Somaliland oo hawlgal amni ku dhawaaqday ka dib weerar dhimasho keenay oo ka dhacay Seylac

|

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ciidamada ammaanka ay 24-ka saac ee soo socda hawlgallo amni ka sameyn doonaan gobollada Awdal iyo Selel, si looga hortago falal amni darro oo kale, kaddib weerarkii xalay lagu dilay afar qof, saddex kalena lagu dhaawacay magaalada Seylac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalla Maxamed Carab, oo maanta ka qeybgalay shir ay Hargeysa ku yeesheen guddiga amniga qaranka, ayaa sheegay in xukuumaddu go’aansatay in si degdeg ah nabadda loogu soo celiyo labada gobol, isaga oo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

“Xukuumaddu waxay go’aansatay in degdeg loo soo celiyo nabadda labada gobol. Hawlgallo, ciidamo badan ayaanu gaynay,” ayuu yiri Wasiir Cabdalla.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in ciidamada fulinaya hawlgallada aanay aqbali doonin in deegaannadaasi ay ku sugaan dad hubaysan. Waxa uu sidoo kale sheegay in dedaallo badan oo ay xukuumaddu samaysay iyo heshiisyo nabadeed oo ay beelaha deegaanku kala saxiixdeen ay la kulmeen caqabado.

Weerarka Seylac

Tallaabadan xukuumaddu ku dhawaaqday ayaa timid kaddib markii niman hubaysan ay xalay oo Arbaco ahayd rasaas ku fureen dad ku sugnaa makhaayad laga cunteeyo oo ku taalla magaalada Seylac ee gobolka Selel, halkaas oo ay ku dileen afar qof oo shacab ah, saddex kalena ku dhaawaceen.

Guddoomiyaha Gobolka Selel, Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhega Yare), ayaa sheegay in weerarku dhacay abaare 8:00 fiidnimo, xilligaas oo dad badan ay makhaayadda ku sugnaayeen. Waxa uu xaqiijiyay in laba ka mid ah dadka dhintay ay haween ahaayeen.

DHEERAAD:  Dowladaha reer Galbeedka oo ka fiirsanaya tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu beegsan karo mas’uuliyiin Soomaaliyeed

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in boolisku ay si degdeg ah tallaabo uga qaadeen dhacdada, isla markaana ay falka u qabteen shan qof, halka dad kale oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarka lagu raadjoogo.

“Ciidamada boolisku waxay markiiba qaadeen tallaabo degdeg ah, waxaana haatan falkan u xiran shan ruux,” ayuu yiri Axmed Dhega Yare.

Weerarka ayaa la sheegay in lala xiriirinayo aano qabaa’il oo u dhexeysa dad ka soo jeeda deegaanno kala duwan.

Mas’uuliyiinta degmada Seylac iyo saraakiisha booliska oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka, oo kaashanaya milatariga iyo ciidamada xeebaha, ay wadaan baadhitaanno lagu soo qabanayo maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarka.

Dhanka kale, Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo laga soo doorto Boorama ayaa si adag u cambaareeyay weerarka, isaga oo ku tilmaamay mid gaadmo ah oo lagu beegsaday dad shacab ah.

“Waxa aan sida ugu adag u cambaaraynayaa weerarka gaadmada ah ee dableyda hubaysani xilliga habeenimada ah dadka shacabka ah ku laayeen magaalada Seylac,” ayuu ku yiri war saxaafadeed kooban oo uu ku baahiyay boggiisa Facebook.

Xildhibaanku waxa uu xukuumadda ku dhaliilay in aanay si ku filan u sugin amniga deegaannada Awdal iyo Selel, isaga oo sheegay in weerarrada soo noqnoqday ay su’aal gelinayaan awoodda xukuumadda ee sugidda amniga labada gobol.

Guddoomiyaha Gobolka Selel, Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhega Yare).
Guddoomiyaha Gobolka Selel, Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhega Yare).

Waxa kale oo uu sheegay in dhacdooyinkan ay dhaawacayaan kalsoonida ay bulshadu ku qabto ciidamada qaranka, isaga oo xukuumadda ku eedeeyay inay wax ka qaban la’dahay colaadda ka taagan labada gobol.

Taariikhda xiisadda Awdal iyo Selel

Weerarka Seylac ayaa kusoo beegmaya xilli bilihii u dambeeyay ay gobollada Awdal iyo Selel ka dhaceen isku dhacyo beeleed iyo falal kale oo amni darro, gaar ahaan bilihii Ogosto iyo Sebteembar 2026.

DHEERAAD:  Maleeshiyo 4 ruux ku dishay makhaayad ku taalla Seylac

Isla bishan Nofeembar 2026, xukuumadda Somaliland ayaa ciidamo tiro badan geysay deegaannada xeebaha ee gobollada Awdal iyo Selel, si ay u kala dhexgalaan dhinacyada isku haya, ugana hortagaan in colaadda dib u soo cusboonaato.

Xiisadda labada gobol ayaa salka ku haysa khilaaf qabyaaladaysan oo u dhexeeya beelaha Ciise iyo Gadabuursi (Samaroon). Khilaafka ayaa sii xoogaystay kaddib kacdoon lagaga hor yimid buug ka hadlaya Xeerka beesha Ciise, kaas oo la doonayay in dabayaaqadii sannadkii 2025 lagu soo bandhigo magaalada Seylac.

Xeer Ciise waa nidaam dhaqameed iyo garsoor oo ay adeegsadaan beelaha Ciise ee Geeska Afrika, kaas oo UNESCO ku diiwaangelisay liiska hidaha dhaqanka ee aan la taaban karin, isaga oo loo aqoonsaday nidaam bulsho oo door ka qaata xallinta khilaafaadka.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer ergooyin nabadeed iyo mas’uuliyiin sare u dirtay labada gobol, si ay u dhexdhexaadiyaan dhinacyada is haya, waxaana kulamadaasi kasoo baxay go’aanno la doonayay in lagu soo afjaro colaadda.

Hase yeeshee, inkasta oo heshiisyo iyo go’aanno nabadeed la gaaray, haddana xiisadda labada gobol weli si buuxda looma soo afjarin, waxaana weerarkii ugu dambeeyay ee Seylac uu mar kale muujiyay caqabadaha ka jira sugidda amniga deegaannadaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News