SO | EN

SO | EN

Dagaal qaraar oo dhexmaray ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo kadhacay Shabeelow

|

Shabeelow (KAAB) – Ciidanka dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka oo kusugan koonfurta Mudug waxa uu dagaal culus kudhexmaray dhulka howdka ee deegaanka Shabeelow iyadoo lasheegay in halkaas ey dhufeysyo waa weyn kulahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, War kasoo baxay taliska ciidanka xoogga ayaa waxaa lagu shaaciyay in qasaare farabadan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Dhanka kale, Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo aan xiriir lasameynay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus loogana saaray Al-Shabaab dhufeysyadii iyo godadkii ey ku dhuumaaleysanaayeen Al-Shabaab.

Ugudambeyntii, Kooxda Al-Shabaab ayaa iyadana dhinaceeda guul ka sheegatay dagaalkan iyadoona sheegtay in ey kudileen kudhawaad 50 askari oo katirsan ciidanka dowladda balse lama xaqiijinkaro qasaaraha rasmiga ah ee kadhashay dagaalkan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News