Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay burburintii Suuqa Xarraryaale ee degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, kaas oo burburintiisa ay dhalisay caro xooggan, bannaanbaxyo iyo isku dhacyo dhexmaray ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo ka horyimid tallaabada lagu dumiyay goobta ganacsiga.
Sheekh Shariif oo qoraal uu soo saaray kaga hadlay dhacdada ayaa cambaareeyay weerarka iyo burburinta hantida shacabka, isaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa inay ku mashquulsan yihiin boobka hantida dadweynaha, isla markaana ay si aan habboonayn ula dhaqmayaan shacabka ku nool caasimadda.
Madaxweynihii hore ayaa qoraalkiisa ku sheegay in falka ka dhacay Xarraryaale uu muujinayo habka ay dowladda u wajahdo arrimaha la xiriira hantida shacabka iyo xaafadaha ay ku nool yihiin dadka Muqdisho, isaga oo si gaar ah u dhaliilay waqtiga iyo qaabka loo fuliyay burburinta suuqa.
Sheekh Shariif ayaa yiri: “Falkan gurracan wuxuu muujinayaa sida Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu ay ugu sumoobeen boobka hantida shacabka, iyagoo aan xitaa kala jeclayn xilliyada ay fulinayaan duullaanka ka dhanka ah xaafadaha shacabka.”
Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa tacsi u diray muwaadiniintii ku naf waayay dhacdada ka dhalatay burburinta Suuqa Xarraryaale, isaga oo dadka dhaawacmay u rajeeyay caafimaad degdeg ah. Wuxuu sheegay in shacabka deegaanka ay mudan yihiin in la ilaaliyo hantidooda, lana dhowro xuquuqdooda.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Muqdisho inay muujiyaan xilkasnimo iyo mas’uuliyad, isla markaana ay ka shaqeeyaan ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha, waddooyinka iyo xuquuqda muwaadiniinta, isaga oo ku adkeeyay in ilaalinta hantida shacabka ay tahay arrin muhiim u ah xasilloonida bulshada.
Sheekh Shariif ayaa dhaliil kale u jeediyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu caadeystay barakicinta shacabka iyo burburinta hantidooda, isla markaana uu mas’uul ka yahay tacadiyo uu sheegay inay soo noqnoqdeen.
Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xilli burburinta Suuqa Xarraryaale ay dhalisay muran xooggan iyo falcelin kala duwan oo ka dhex taagan shacabka Muqdisho, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabanayaan saameynta ay ku yeesheen duminta goobtooda ganacsi iyo isku dhacyadii ka dhacay halkaasi.
Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiisay doodda ku saabsan barakicinta dadka magaalada Muqdisho, ilaalinta hantida shacabka, sharciyadda burburinta dhismayaasha iyo baahida loo qabo in maamulka magaalada uu si cad u qeexo sababaha, habraacyada iyo xuquuqda dadka ay tallaabooyinku saameeyaan.

