SO | EN

SO | EN

Aadan Madoobe oo kahor istaagay Xildhibaanad Marwo xilkii baarlamaanka Aduunka

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa bur buriyay rajo walbo ay ka laheyd in ay kamid  noqoto hoggaanka Baarlamaanka Adduunka xildhibaan Marwa Abdibashiir Xaaji, oo mataleysay magaca Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaannad Marwa Abdibashiir iyo saddex haween kale oo kasoo kala jeeda dalaka Tanzania, Senegal iyo Malawi ayaa isugu soo haray doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Adduunka, waxa ayna xildhibaannada Soomaaliyeed ku jirtay olole aad u xooggan.

Dhanka kale, guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay in qoraal u diray saacadihii ugu dambeeyay ololaha doorashada guddoonka Baarlamaanka Adduunka, kuwaa uu ku wargaliyay in xildhibaan Marwo doorashada ka hartay.

Xildhibaannada ayaa sheegtay in filanwaa iyo anfariir ku noqday warqada uu guddoomiyaha golaha shacabka diray, waxa ayna sheegtay in hankeedii ahaa in magaca Soomaaliya meel sare gaarsiiso si fudud loo bur buriyay.

Cabdiraxmana Cabdishakuur oo ah mudane katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ayaan-darro ku tilmaamay warqada uu diray guddoomiye Aadan Madoobe, waxa uuna xusay in hankeedii uu wiiqay xilli ay taageereen gabadhaasi xildhibaannada labada aqal.

”Waa ayaan-darro wayn iyo wax laga xumaado in gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka magaca Golaha Shacabka lagu garba duubo, hankeediina lagu wiiqo. Xildhibaan Marwa Abdibashiir Xaaji labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa cod midaysan ku taageeray in ay magaca Soomaaliyeed ugu tartanto xilka Guddoomiyaha Baaralamaanka Adduunka” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan .

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News