SO | EN

SO | EN

Afwerki oo ku biiray madaxda Afrikaanka ee Sacuudiga ugu yeeray

|

RIYAD (KAAB TV) – Madaxweynaha kaligii taliska Eritrea, Isaias Afwerki ayaa gaaray magaalada Riyad ee dalka Sacuudi Carabiya halkaasoo madaxda Afrikaanka ay kula kulmayaan Sacuudiga.

Shir Madaxeedka Sacuudiga iyo Afrika oo ah kii ugu horreeyay abid ayaa Jimcaha maanta ka furmay magaalada caasimada Sacuudiga ee Riyad.

Shirkan ayaa looga gol leeyahay in lagu soo jiito maalgashi shisheeye oo toos ah iyo abaabulka kheyraadka horumarinta kaabayaasha muhiimka ah, sida Sacuudigu sheegayo.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa ka mid ah madaxda ay Sacuudigu ku soo casumeen shirka, waxaana imaatinkiisu uu imaanayaa xilli maalmahan uu taagnaa hadalheynta cabsi laga qabo in Ethiopia iyo Eritrea ay dagaalmaaan ka dib hadalkii Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali ee ahaa in Ethiopia ay u baahan tahay bad iyo deked ay wax kala soo degto.

Eritrea ayaa sheegeysa in ay raadinayso maalgashi ballaaran si ay dhaqaalaheeda dib ugu soo kabsato halkii ay deyn ku tiirsanaan lahayd.

Sacuudiga ayaa dhankiisa sheegay inuu heshiisyo muhiim ah oo dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiga la xiriira la saxiixan doono dalalka Afrika.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News