SO | EN

SO | EN

Ra’isul Wasaaraha UK oo xilka ka qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha ‘cunsuriyad darteed’

|

LONDON (KAAB TV) – Ra’isul Wasaaraha dalka Ingiriiska, Rishi Sunak ayaa shaqada ka ceyriyay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Suella Braverman oo ahayd xubin muhim ah oo ka tirsan xisbiga dowladda hadda xukuma ee Conservative.

Suella Braverman ayaa laga eryay xilkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ka dib markii ay ku gacan sayrtay ammar kasoo baxay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha (Number 10) oo ahaa inay joojiso maqaal ay ku eedaysay Booliska Caasimada London inay eex ku yihiin kooxaha cunsuriyiinta dhanka midig ee diidan mudaharaadyada lagu taageerayo joojinta colaadda Gaza.

Wasiirka la ceyriyay oo haweeney asal ahaan kasoo jeeda Hindiya Suella Braverman ayaa lagu eedeeyay inay kicisay xiisad ka hor mudaaharaadyada London ee lagu taageeray reer Falastiin.

Waxaa xilka loo magacaabay James Cleverly oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda UK.

Shaqo ka ceyrinta Mrs Braverman waxa ay bilawday isku shaandhayn wayn oo Ra’isul Wasaaruhu ku sameeyay golaha wasiirada, isaga oo dib u qaabayn doona kooxdiisii ugu saraysay ee golaha xukuumadda todobaadka soo socda.

Afhayeenka rasmiga ah ee ra’iisul wasaaraha ayaa yiri: “Isku shaandheyntan waxay ra’iisul wasaaraha siin doontaa koox mideysan oo ka mira dhalisa isbedelka uu dalku u baahan yahay muddada fog.”

Haweeneyda xilka laga qaaday Mrs Braverman waxaa loo arkayay in ay tahay mas’uulka ugu muhimsan ee xaqa xisbiga dowladda xukuma ee Conservative-ka.

Bayaan ay soo saartay ayay Mrs Braverman ku tidhi: “Waxa aan heli doonaa wax badan oo aan sheego wakhtiga ku beegan”, taas oo keentay in la isla dhex maro in ay dhibaato u keeni karto hoggaanka dowladda.

Waxay maalmo ka hor kicisay duufaan siyaasadeed markii ay maqaal u qortay wargeyska Times, iyada oo ku eedaysay ciidanka booliska London “inay yihiin labo wajiilayaal” iyadoo ku eedeysay booliska inay la safteen dadka mudaaharaadaya.

Maqaalka ma ahayn mid uu ogaa Xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo markii dambe waxaa soo baxday in Mrs Braverman ay diiday codsi Xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo ahaa inay tirto maqaalkeeda.

Xisbiyada mucaaradka sida Labour-ka (shaqaalaha) iyo xisbiga kale ee Liberal Democrats iyo qaar ka mid ah xildhibaanada dowladda taageersan ayaa ku baaqay in Wasiiradda Suella Braverman la eryo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News