SO | EN

Maxaan ka ognahay duullaankii Israa’iil ee isbitaalka Al-Shifa ee Gaza?

|

LONDON (Kaab TV) – Ciidamada Israel ayaa gudaha u galay cisbitaalka ugu weyn ee Qaza ee Al-Shifa, iyagoo sameeyay waxa ay ku tilmaameen “hawlgal qorsheysan oo ka dhan ah Xamaas”.

Goobjooge ku sugan isbitaalka Al-Shifa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada ay xalay ku soo guureeyeen oo ay dadka su’aalo weydiinayeen.

Israa’iil ayaa muddo dheer ku eedaysay Xamaas in ay xarun ka dhigteen isbitaalka Al-Shifa.

Maraykankuna waxa uu sheegay in sirdoonkiisu uu arrintaas taageerayo, balse Xamaas ayaa beenisay.

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa sheegay in uu “ka naxsan yahay” isla markaana “isbitaaladu aysan ahayn goobo dagaal”.

Dhanka kale Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in ay “aad uga walaacsan yihiin” bukaannada iyo shaqaalaha, kuwaas oo uu ka go’ay khadka isgaarsiinta.

Goobjoogayaasha gudaha isbitaalka

Khader oo ah saxafi ku sugan gudaha Al-Shifa, ayaa u sheegay weriyaha BBC Rushdi Abualouf in ciidamada Israel ay si buuxda gacanta ugu hayaan isbitaalka, isla markaana aysan jirin wax rasaas ah oo dhacday.

Waxa uu sheegay in lix taangi iyo ku dhawaad 100 ka tirsan ciidamada Kumaandooska ay gudaha u galeen xarunta xilli habeen ah, iyadoo ciidamada ay ku qeylinayeen “ha dhaqaaqin!”. gudaha qaybta gargaarka degdega ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa markaa qol-qol u galay, dabaqa su’aalo weydiinaya shaqaalaha iyo bukaannada labadaba waxaana la socday dhakhaatiir iyo dad Carabi ku hadla.

Iyagoo adeegsanaya cod-baahiyeyaal, askarta IDF waxay dhammaan ragga da’doodu u dhaxayso 16 iyo 40 ku amreen inay ka baxaan dhismayaasha isbitaalka, marka laga reebo waaxyaha qalliinka iyo xaaladaha degdegga ah, oo ay aadaan barxadda isbitaalka.

Askarta ayaa rasaas cirka u riday si ay ugu qasbaan kuwa ku haray gudaha inay soo baxaan, ayuu yiri Khader.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada ay ku rakibeen qalabka wax lagu baaro iyo kuwa dareemeyaasha si ay u ogaadaan haddii dad ku hareen gudaha isbitaalka.

Muhammad Zaqout, oo ah agaasimaha guud ee isbitaallada Marinka Gaza, ayaa sidoo kale ka warbixiyay sida uu u dhacay weerarka.

Isagoo wareysi siinayay Aljazeera, wuxuu sheegay in “hal xabbad ah” aan la ridin – sababtoo ah “ma jiraan wax iska caabin ah ama maxaabiis ah” gudaha.

Israa’iil waxay ku tilmaantay ‘hawlgal la beegsaday’ oo ka dhan ah Xamaas
IDF ayaa sheegtay galinkii dambe ee Talaadadii in ciidamadoodu ay ku guda jiraan “hawlgal sax ah oo lala beegsaday Xamaas oo ka dhacay meel cayiman oo ku taal isbitaalka Shifa”.

Waxay ku tilmaantay tillaabada mid “baahmaah hawleed” oo ku salaysan “xogta sirdoonka”, waxayna ugu baaqday “argagixisada Xamaas” ee isbitaalka ku jira inay isa soo dhiibaan.

Subaxnimadii Arbacada ayay IDF sheegeen markii ay galeen Al-Shifa, in ciidankoodu ay la kulmeen weeraro loo adeegsaday walxaha qarxa oo ay la dagaalameen “kooxaha argagixisada”.

Kadib Arbacadii sarkaal sare oo ka tirsan IDF oo diiday in magaciisa la sheego ayaa u sheegay warfidiyeenka in Israa’iil ay heshay hub iyo “kaabayaal argagixiso” balse isla markiiba ma aysan keenin caddayn.

Ma jiro wax dagaal ah oo ka dhacay gudaha isbitaalka, mana jirin wax iska hor imaad ah oo u dhaxeeyay ciidamada iyo dadka halkaasi ku sugnaa, ayuu yiri sarkaalka.

Raadiyaha ciidamada Israel ayaa sheegay in ciidamadu aysan weli helin wax calaamad ah oo muujinaya mid ka mid ah la haystayaashii ay Xamaas ku qafaasheen weerarkoodii 7-dii Oktoobar.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News