Muqdisho (KAAB ) Golaha shacabka ee Barlamaanka Kalfadhiga 4aad waxa uu ku furay guux badan oo la xiriira mooshin is bar barsocda oo ka dhan ah Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.
Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa KAAB u sheegay in mooshinada ay kala wadaan xildhibaano dhaliilsan xafiisyada Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare iyo Aadan Madoobe.
Mudanayaal ku sugnaa magaalada Nairobi oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kana qayb galay kalfadhiga 4aad ee Golaha shacabka ayaa ku biiray xubno waday mooshin kale oo ka dhan ahaa Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.
Xidhibaanada ayaa ku doodaya in Ra’iisulwasaaraha uu noqday fadhiid aan wax badan ka qaban xukuumadiisa wax badan oo ay ahayd in la qabto taas bedelkeeda ay dhaafi la’adahay xafiiska .
Guux kale ayaa ka dhashay xarunta Golaha shacabka kaas oo ku saabsan in xildhibaanada qaar ay doonayaan in meesha ay ka tuuraan Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ay u arkaan mid ku xiran Villa Soomaaliya .
Waxay xildhibaano badan ay u arkaan Aadan Madoobe mid aan doonaynin habsami socodka Golaha shacabka isla markaana uu yahay mid wax badan loo yeerin karo sidaas darteeda ay tahay in meesha ay ka saaraan.
Kudlad ayay dhawaan xildhibaanada Golaha shacabka ay ku dhawaaqeen oo ay ugu gol leeyihiin badbaadinta dalka sida qaar ka mid ah xildhibanaadaas ay u sheegeen warbaahinta.
Waxa muuqanaysa in fadhiga 4aad ee Golaha shacabka uu ku furmay guux siyaasadeed oo iska soo horjeeda , taas oo ay adkaan doonto inuu u maamulo sida xildhibaanada qaar ay ku doodayaan Guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe.