SO | EN

SO | EN

Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay go’aankii kasoo yeeray xalay Siciid Deni

|

Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahadlay go’aankii xalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka #Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaas oo ku aadanaa in #Puntland ey kadhacdo doorasho madaxtooyo iyo mid gole Wakiilo ee qaabkii hore 66-da xildhibaan.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in go’aanka Siciid Deni iyo kaalinta Isimada ey yihiin talaabooyin xoojinaaya xasiloonida iyo siyaasada #Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in #Puntland  xudun utahay nidaamka federaalka waxaan soo dhaweynayaa dedaalada odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka waxaana rajeynayaa in #Puntland ey kadhacdo doorasho jawi nabadeed ah oo katurjumeysa soyaalka deegaannada #Puntland.

Madaxweynaha oo garowsan doorka Puntland ay ku leedahay hannaanka Federaalka iyo dowladnimada dalka ayaa ku dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada qeybta ka ah hannaanka doorashada Puntland inay sii wadaan wadatashiyada, waxa uuna muujiyey sida uu u garab taagan yahay dhammeystirka doorashada iyo in lagaga gudbo marxaladdan wadatashi, isu-tanaasul iyo ilaalinta nabadda ay ku tilmaaman yihiin reer Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News