Garoowe (KAAB ) Markii maalmo hore la dhameeyay khilaafka arrimaha doorashooyinka ayaa hadda waxaa soo baxaya warar kale oo ku saabsan khilaaf cusub.
Khilaafkan cusub ayaa salka ku haya arrimo ku saabsan , muddo kordhinta sanadka ah ay samaysteen xildhibaanada Barlamaanka maamulkaas kaas oo la kulmay dhaleecayn xoogan.
Waxaa jira hadda muran kale oo ka furmay sax ahaanshaha Barlamaanka maamulkaas oo ahayd sida siyaasiintu ay sheegayaan in la kala diro isla markaana la soo doorto xildhibaano cusub.
Dadaallo lagu xallinayo muranka ka dhashay mudda kordhinta uu samaystay Baarlamanka Puntland ayaa ka bilowday magaalada Garoowe.
Dadaallada bilowday ayaa lagu raadinaya in muranka jira lagu dhameeyo sida ugu dhakhsaha badan loona jihaysto xulista xildhibaannada xiga.
Tallaabada Barlamaanka waxaa ka horyimid madaxweyne Deni oo ku tilmaantay sharci-darro islamarkaana sheegtay in Baarlamanka la kala dirayo.
Xukuumadda ayaa sidoo kale ka dalbatay maxkamadda dastuuriga ah in ay go’aan sharciyeed ka soo saarto arrinta Baarlamanka.