SOMALILAND(KAABTV)Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegtooyin Madaxweyne xilka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadiisa.
Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble iyo Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Arrimaha Dibbada Cabdi-naasir Cumar Jaamac.
“Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen” ayaa lagu yidhi wareegto kasoo baxday madaxtooyada.
Dhanaca kale, Madaxweynaha ayaa Cabdirisaaq Muuse Faarax u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, sidookale, Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Maaliyadda Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle ayuu u magacaabay Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, halka uu Saleebaan Jaamac Diiriye u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Madaxweynaha ayaa dhawaan sidookale isku shaandhayn balaadhan ku sameeyay badiba wasiirada xukuumadiisa, waana markii labaad uu Biixi isku badal ku sameeyay xukuumadiisa dhamaadka sannadkan.