SO | EN

SO | EN

AHLU-SUNA OO KA CAROOTAY HADAL UU SHEGAY WASIIRKA GAASHAANDHIGGA KENYA

|

KENYA(KAAB TV)Culimada ‘Ahlu-suna waljamaaca’ ee ku sugan Ismaamulka Mandheera oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul uga falceliyey hadal dhawaan uu ka jeediyey masjid cusub oo laga daahfuray Mandheera wasiirka gaashaandhiga Kenya Aadan Barre Ducaale.

Hadalkii Wasiir Aadan Barre ka jeediyey Masjidka Mandheera ayuu ku dalbaday in masaajidka laga ilaaliyo dariiqooyinka Suufiyadda iyo takfiirka.

Hadalkaas ayaa saamayn weyn ka dhaliyey Mandhera, gaar ahaan culimada, kaasoo culimada Ahlu suna ka dalbadeen wasiirka inuu raali galin ka bixiyo.

Fakhrudiin Sheekh Cabdicasiis oo sheegay inuu yahay gudoomiye xigeenka Ahlu-suna wal jamaaca ee Ismaamulka Mandheera ayaa sheegay inay qoonsadeen hadal uu wasiirka gaashaandhigga ka jeediyey masjid cusub oo laga furay xaafada Busley ee Ismaamulka Mandheera, “isaga oo la barbar dhigay” sida uu hadalka u dhigay “kooxda Takfiirka”.

‘‘Annagu la mid nihin Takfiir waxaana nahay Culimada Suufiyada, hadalka wasiirkana waxaan u aragnaa takfiirin waxaana ahayd takfiir, waxaan Wasiirka ka dalbanay inuu arintaas raali galin ka bixiyo maadaama annagu aan nahay Culimo caan ku ah fidinta diinta islaamka ilaa qarniyo, hadalkaasna uusan noo qalmin‘‘ ayuu yiri Fakhrudiin.

Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ka haldlay fal celinta ka dhalatay hadalkii uu jeediyey.

‘‘Haddii ay jiraan dad ka xumaaday hadalkayga oo muslimiinta ah waan raali galinayaa, haddiise aan Aadan Barre ahay waxaanan badalayn fikirkayga ah in ummada loogu nasteexeeyo diinta iyo Xijaabka, aniguna waxaan ka hadlayey maamulka Masjidka iyo inuu noqdo mid bulshada lagu hormariyo diintooda, laguna hago noloshooda ee uusan noqon mid u xiran koox diimeed gaar ah“ ayuu yiri Aadan Barre.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News