MUQDISHO (Kaab TV) – Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay weerar ku bilawday baabuur qarax ah iyo rag hubeysan oo gudaha u galay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho maalintii shalay, sida uu sheegay afhayeenka booliska Soomaaliya.
Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.
Weerarka iyo jugta qaraxyada ayaa aad looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Weerarku wuxuu dhacayaa qiyaastii bil iyo bar ka dib weerarkii hotelka Villa Rays ee aagga madaxtooyada Villa Somalia.
Haddaba yaa qaadaya mas’uuliyadda weerarkan?
Weerarka ayaa yimid iyadoo ay jiraan arrimo isbeddelay oo ay ka mid yihiin:
1. Baraha kontoroollada ee NISA lagu wareejiyay
Weerarka ayaa dhacaya iyadoo dhammaan baraha kontoroollada caasimada Muqdisho ay la wareegeen ciidanka nabadsugidda ee NISA iyadoo laga wareejiyay ciidankii booliska ee horey u joogay baraha kontroroollada.
Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa horey ugu eedeeyay ciidamada booliska ee joogay kontoroollada inay ku guuldareysteen ka hortagidda qaraxyada la rumeysan yahay inay kasoo gudbaan baraha kontoroollada ee caasimadda.
2. Kulanka NISA iyo booliska ee ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir
Sida uu ogaaday Kaab TV, kulan looga hadlayey amniga caasimada ayaa ka socday xarunta maamulka Gobolka Banaadir ka hor weerarka ay al-Shabaab soo qaadeen. Saraakiil kulanka ka qeybgalay ayaa xaqiijiyay in saraakiisha ay lafa gurayeen sidii looga hortagi lahaa qaraxyo ay suuragal tahay inay magaalada Muqdisho ka dhacaan.
Weerarka qaraxyada ee xarunta Maamulka Gobolka Banaadir lagu qaaday ayaa dhacay waxyar uun ka bacdi markii uu kulanka amniga looga hadlayey uu soo dhammaaday.
3. Safarka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
Weerarka lagu qaaday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa yimid iyadoo uu magaalada ka maqan yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).