SO | EN

SO | EN

Haweeneydii lahayd labada ilmo galeen ayaa dhashay mataane labo maalmood oo isku xigta

|

ALABAMA, USA (KAAB TV) –  Haweeney ay dhakhaatiiru sheegeen inay leedahay labo ilmo galeen ayaa dhashay labo maalin oo isku xigta, waxayna dhashay mataane labo gabdhood ah, sida ay shaaciyeen dhakhaatiirta isbitaalka Jaamacadda Alabama ee Birmingham (UAB).
 
Kelsey Hatcher, oo 32 jir ah una dhalatay Mareykanka waxay dhakhaatiirtu ku tilmaameen mucjiso ka dib markii ay dhashay Taladaadadii ilmihii koowaad oo gabar ahaa, haddana Arbacadii ayay dhashay gabar oo ah ilmiheedii labaad.
 
Waa labo maalmood oo isku xigta iyo labo mataane ah oo isku calool ku jiray.
 
Dhakhaatiirta Isbitaalka Jaamacadda Alabama ee Birmingham (UAB) waxay sheegeen in Kelsey Hatcher inay lahayd ilmo-galeen laban-laaban oo naadir ah, sidaasi darteedna ay laba jeer umushay laba maalmood gudahood.
Waa dhacdo ay suuragal tahay inay ku dhacdo “halkii milyan” oo dumar uur leh ah mid uun.
Foosha Kelsey Hatcher ayaa qaadatay wadar ahaan 20 saacadood.
Hooyada ayaa ku dhawaaqday imaanshaha “carruurteeda mucjisada ah” ee dunida ka dib markii dhashay. Waxayna baraha bulshada ku ammaantay dhakhaatiirta “sida cajiibka” uga umuliyay.

Gabdhaha yar yar ayaa hadda noqonaya mataane walaalo ah – oo leh taariikh dhalasho oo kala duwan, taasoo dhif iyo naadir.

Ms Hatcher ayaa sheegtay in iyada iyo qoyskeeda ay hadda ku soo laabteen gurigooda si ay “ugu raaxaystaan waqtiga ciidda Christmas” ka dib markii ay ka soo baxday isbitaalka.

“Waa sidii hal calool oo leh labo qol oo kala diran,” ayuu yiri Prof Richard Davis oo ah dhakhtar ka tirsan isbitaalka Jaamacadda Alabama ee Birmingham.

Dhaqtar ka tirsan isbitaalka Jaamacadda Alamaba ayaa xaqiijisay in seddexda dhakhtar ay si wanaagsan uga shaqeynayeen umulinta haweeneydan, waxayna warbaahinta u sheegtay in nooca dhalmadan aysan waligood arkin.

Ilma galeenka laban-laabma

Haweeneydan Hatcher ayaa loo sheegay 17 jir markay ahayd inay leedahay ilmo-galeenka labanlaaban (uterus didelphys) – kaas oo ay dhakhaatiirtu ku tilmaameen cillad naadir ah oo lagu dhasho oo saamaysa 0.3% haweenka.

“Waa sidii hal calool oo leh labo qol oo kala xiran,” ayuu yiri Prof Richard Davis oo ah dhakhtar ka tirsan isbitaalka Jaamacadda Alabama ee Birmingham.

Dumarka ay xaaladdan soo foodsaarto ayaa la sheegaa in fursadaha uur qaadista ilmo-galeenka labadaba ay aad u yar tahay iyadoo ay ka yar tahay halkii milyan oo dumar ahba mid.

Kiisaska laga soo sheegay adduunka ee ah ilmo galeenka laban-laabma aad ayay dhif u yihiin. Sannadkii 2019, dhakhtar ku sugan dalka Bangladesh ayaa sheegay in naag ay dhashay mataano ku dhawaad hal bil ka dib markii ay ilmo dhicis ah ku umushay. ilmo-galeenkeeda kale.

Haweeneydan hadda ku umushay Alabama, Hatcher, waxay dhashay saddex jeer oo hore si caafimaad qabta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News