Laascanood (KAAB) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa ku soo dhamaaday , shirwayne ay lahaayeen isimada dhaqanka maamulka ugubka ah ee Khaatumo , kaas oo ay uga hadlayeen , xaaladda deegaanka.
Si gaar ah waxa ay diirada u saareen xildhibaanada Barlaamaanka Puntland e 17-da ee laga soo dooran lahaa deegaanada Sool iyo Sanaag taas oo qayb ka ah dadaalada Khaatumo ee howlaheeda gaarka ah.
Hogaamiyaha SSC Khaatumo Cqaadir Fardhiye ayaa ayaa taageeray go’aanka Isimada Dhaqanka SSC khaatumo ahaa in SSc khaatumo aysan qayb ka ahayn doorashada Puntland 2024.
“Ma jiri doono qof deegaannada SSC-Khaatumo ka soo jeeda oo ka qaybqaadan doona doorashooyinka loo madlanyahay ee Dawladda Puntland, sidoo kale ma jiri doonaan cid SSC-Khaatumo ku meteli doonta goleyaasha Maamulka Puntland” ayuu yiri Firdhiye.
Waxaa uu ku baaqay in shacabka SSC lagu ixtiraamo rabitaankooda. “Cid walba waxaan ugu baaqayaa in ay ixtiraamaan go’aanka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo” ayuu intaas ku daray.
Isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa ku dhawaaqay inaysan gebi ahaanba qayb ka ahayn arrimaha doorashada Puntland ee 2024.
Arrintan ayaa keentay jahwareer kale oo siyaasadeed, maadaama ay horay Puntland ula daala dhaceysay khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashooyinka maamulkaasi.