SO | EN

SO | EN

NISA oo gacanta ku dhigtay gawaari lagu soo raray Alaabo electronics kuwaas oo ku siijeeday deegaannada AS

|

Afgooye (KAAB TV) – Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigay saddex gawaari ah oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo dadkii watay.

Warkooban oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaa sidoo Ciidanku gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda.”

Sidoo kale warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in “Kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha Al-Shabaab joogto waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen cadowga si loogu adeegsado gumaadka Shacabka Soomaaliyeed.”

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa socday baritaanno ay wadeen ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka, iyada oo la arkayay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho oo ka socda baritaanno lagu sameenayay nuucyada kala duwan ee gaadiidka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News