Ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa haatan bilaabay howlgal ay ku baadi goobayaan Wiil iyo Aabihiis oo xalay dil ka gaystay waqooyiga magaalada ee xarunta gobolka Mudug, kadibna goobta ka baxsaday.
Eedeysanayaasha ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xuseen Muuse Faarax iyo Wiilkiisa Maxamed Xuseen Muuse, sida ay shaaciyeen ciidamada Booliska Puntland.
Labada eedeysane ayaa loo haystaa inay dileen laba sarkaal oo ka tirsanaa Booliska qaybta gobolka Mudug, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray X/le Xuseen Cabdul Cumar iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye.
Saraakiisha ayaa xilliga la dilayay fulinayay waaran soo qabasho ah oo loo soo jaray eedeysanayaasha oo hubeysnaa kadibna ay sidaas ku dileen marxuumiinta.
“Ciidanka Booliska Puntland ayaa raadinaya Edeysane Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muuse oo cawa magalada Galkacayo gaar ahaan xaafadda Halabokhad ku dilay laba sarkaal oo police ka qaybta Gobolka Mudug ka tirsana kuwaas oo lagu kala magacaabo X/le Xuseen Cabdul Cumar iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye iyagoo fulinayay waran loo Soo jarey edeysanaha” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska guud ee Booliska Puntland.
Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Qofkasta oo garanaya halka ay joogaan waxa lagu boorinayaa in uu ka waco Ciidanka Booliiska Puntland Tell: +252905500000 ama lambarka gaaban ee Booliska 999 ama saldhiga booliiska ee kuugu dhow.