MUQDISHO (KAAB TV) – Warbaahinta Kaab TV ayaa sameysay sahaminta fikradaha dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana wax ka weydiinay hamigooda 2024-ka.
Iyadoo aan la yaab lahayn, qaar badan oo ka mid ah dhallinyaradii aan la hadalnay ayaa muujiyay rabitaan ay dalka uga tahriibaan iyagoo sabab uga dhigaya shaqo la’aanta, kor u kaca cashuuraha bajaajleyda, iyo duruufaha nololeed ee adag.
Amni darada ayay dhallinyaradu sheegeen inay tahay arin kale oo dhalintu ku kaliftay inay ka fikiraan inay Soomaaliya ka baxaan.
Markii wax laga waydiiyay meelaha ay doorbidayaan iyo hababka, tiro aad u badan ayaa daaha ka qaaday rabitaanka inay galaan safarro halis ah oo ay ku maraan marinka sharci darrada ah ee badda iyagoo rajaynaya inay gaaraan Yurub ama Ameerika.