SO | EN

SO | EN

Yuu u afduubnaa Cabdirashiid Janan?

|

Nairobi (Raxanreeb ) Ku dhawaad sagaal maalin ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu haystaa Cabdirashiid Janaan oo ka mid ah siyaasiin aad u diidan siyaasadda Ahmed Madoobe ee Jubbaland isla markaana aan la dhacsanayn xukunka mudda dheer ee Ahmed Madoobe ku joogo maamulkaas.

24- kii saac ee la soo dhaafay waxaa isa soo tarayay baaqyada ka imaanaya siyaasiinta iyo xildhibaano ka tirsan Barlamaanka kuwaas oo Kenya ugu baaqay in si deg deg ah jawaab ay ugu bixiso ficilka ay kula kacday Cabdirashiid Janaan oo xogaha hadda la helayo ay sheegeen in gacanta ay ku hayaan rag ka tirsan Militiriga Kenya oo u adeegaya danaha Ahmed Madoobe.

War soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiisha uu u afduuban yahay xilligan Cabdirashiid Janaan ay yihiin kuwa Axmed Madoobe raba inuu sii joogo si ay u sii wataan ka shaqaynta dhuxusha sharci darrada ah.

Ujeedka ugu wayn ayaa ah sida dad badan ay qabaan in Axmed Madoobe uu doonayo iska horkeenista beelaha walaalaha ee reer jubaland , taas oo loola jeedo qaybi oo xukun , maadama hadda mowjado siyaasadeed ay kaga furan yihiin Axmed Madoobe gobolka Gedo.

Qayb ahaan aqoonyahanada , siyaasiinta Jubbaland ayaa ka soo horjeeda damaca xukun jecelka ah ee Axmed , waxayna u arkaan in afduubka Cabdirashiid oo dhankiisa loo xaglinayo inuu ku doonayo inuu isaga sii jeediyo indhaha siyaasiinta ee u xusul duubaya in mar uun xukunka laga tuuro Axmed Madoobe.

Nairobi xogaha kale ee laga helayo ee la xiriira Cabdirashiid Janaan ayaa sheegaya in raga qafaalka ku haysta siyaasigaas reer Gedo ay yihiin xubno hore ugu tirsanaa maamulkii madaxwayne Uhur Kenyatta kuwaas oo xiriir dhaw la leh Ahmed Madoobe iyo madaxda kale oo ka mid ah Soomaalida Kenya .

Xarigga Cabdirashiid Janaan oo ah Afduub waxaa ka hor yimid Wasiirka Gaanshaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaalle , madaxa sirdoonka dalkaas Nouradiin Hajji iyo xubno kale oo ku qabiil ah madaxwaynihii hore Uhuru Kenayatta taas oo muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka iyo buuqa dhashay qafaalka Cabdirashiid Janaan.

Tani waxay keentay in Dowladda Madaxwaynaha hadda talada haya William Ruto laba u kala jabto iyadoo madaxda Soomaalida ay ku keentay culays badan waxaana ku hareraysan buuq badan iyo shaki in siyaasigan laga afduubto magaalada Nairobi , iyadoo la fulinaayo danaha Axmed Madoobe.

Ilaa iyo hadda lama oga halka ay arintan ku dhamaan doonto , iyado dhanka kale Axmed Madoobe dhankiisa uu waddo qorshe ah in Cabdirashid Janaan sii xirnaado inta uu ka dhamaanayo damaciisa ah inuu dib isku doorto isna calaamasaaro markale taas oo sal ah in Cabdirashiid Janaan laga afduubto magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News