Hampshire (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa kuguuleystay doorashada xisbigiisa jamhuuriga taas oo kadhacday gobolka New Hampshire isagoona kaguuleystay haweeneydii latartameysay Nikki Haley.
Sidoo kale, Trump ayaa haatan tartan ugu jira sidoo uu uhanan lahaa musharaxa xisbiga Jamhuuriga kumatalaya doorshada guud ee dalka Mareykanka taas oo loo madalsanyahay iney qabsoonto bisha November ee sanadkan.
Dhanka kale, Donald Trump ayaa horey ugu soo guuleystay doorashooyin badan oo kadhacday gobolada dalka Mareykanka, waxaana haatan loo saadaalinayaa in uu noqon karo musharaxa xisbiga jamhuuriga kumatali doono doorashada soo socoto.
Ugudambeyn, Trump guushiisa ayaa waxaa siweyn ugu walaacsan dadka soo galootiga ee kunool dalka Mareykanka kuwaas oo kabaqaya inuu markale kuguuleysto xilka madaxweynaha dalkaasi Mareykanka, soona rogo xayiraado farbadan uuna celiyo dadka aan sharciyada heysanin.

