Garoowe (KAAB) Magaalada Garoowe ee Puntland waxa ku sugan madaxdii ugu badnayd kuwaas oo ka qayb galaya maanta caleema saarka madaxwaynaha dib loo doortay ee Saciid Deni.
Madaxda ku sugan waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Saciid Cabdullaahi DENI iyo inta badan Ra’iisulwasaariyaashii hore.
Villa Somalia marnaba kuma faraxsanayn , in dib loo doorto madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni waxa ayna xoog ku bixisay madaxtooyada sidii meesha looga saari lahaa Deni hase ahaatee waxa ay kala kulantay waji gabax.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galaya maanta caleemasaarka Deni , iyadoo Puntland ay ka maqnayd kulamo badan oo looga hadlayay geedi socodka dowladnimada dalka sabab la xiriirta khilaafka Xasan iyo Deni oo ka bilowday magacaabista Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.
Sidoo kale Xasan ayaa gaaraya Garoowe iyadoo ay taagan tahay khilaafka ka dhashay meelmarinta hab raaca wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee dalka oo buuq badan uu ka taagan yahay , Puntlandna , ay tabasho ka qabto.
Dhamaan arrimahan iyadoo ay taagan yihiin ayaa haddana waxaa Garoowe isugu tagay siyaasiin jilba culus ah oo Xasan Sheekh ay isku diidan yihiin qodobo dhawr ah oo ay u arkaan in ay marin habaabinayso – dowladnimada Soomaaliya.
Xubnaha siyaasiinta ee maanta Garoowe ku sugan ayaa ah kuwa is diidan oo in muddo ahba Madaxwaynaha hadda talada haya ku dhaliilayay habka uu wax u maamulayo in ay tahay mid baalmarsan hanaanka dowladnimada.
Caleemasaarka maanta ee Garoowe oo ay isku arkayaan dhinacyada is diidan ayaa ah fursad kale oo ay ku wada hadli karaan madaxwaynaha iyo dhinacyada kale si meesha looga saaro tabashooyinka jira.
Caleema saarka Deni dhinacyada tabashada ka qaba ee aan tagin Garoowe waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre oo ka baaqsaday.