Muqdisho (KAAB TV) – Faahafaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dil argagax leh oo xalay kadhacay magaalada Muqdisho dilkaasi oo kadhacay degmadda Dharkeynley ee gobolka Banaadir sida ey xaqiijiyeen dad deegaanka.
Sidoo kale, Dilkan foosha xun ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu yimid kadib markii Nin kamid ah dadka degmadda Dharkeynley uu guri ku gubay xaskiisa iyo caruurtiisa isagiina uu isaga baxsaday goobta.
Dhanka kale, wararka waxey intaasi kudarayaan in ninka xaskiisa iyo caruurtiisa ku gubay guriga ey sabab utahay maseer uu ka maseeray xaskiisa sidaasina uu guriga dab kuqabad siiyay.
Khaar kamid ah dadka deegaanka oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ninkan guriga gubitaankiisa uu u adeegsaday caag shidaal ah kadibne Jante uu kuqabtay guriga sidaasina uu kugubay guriga isagoona guriga kor ugu xiray xaskiisa iyo caruurtiisa kadibna uu kacararay.
Haweeneyda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis waxaana lasheegay in ey leheed uur lix bilood ah waxaana loola cararay Isbitaalka iyadoo dhaawac ah, sidoo kale, waxa uu dhaawac soo gaaray wiil yar oo ay iyadu dhashay kaas oo lagu magacaabo ayd Cali Macallin Daa’uud.
Dhacdada kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka kuwaas baaritaano kala duwan sameeyay waxa eyna sheegeen iney gacanta kusoo dhigi doonaan eedeysanaha, kaasi oo goobta ugu baxsaday Gaari.