MUQDISHO (KAAB TV) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Hay’adaha samafalka oo ay weheliso Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa soo saaray Qorshaha Ka-Jawaabista Baahiyaha Bani’aadannimo ee 2024 (HNRP), kaas oo doonaya US$1.6 bilyan si loo caawiyo 5.2 milyan oo qof oo ka mid ah 6.9 milyan oo soomaaliyeed una baahan gargaar bini’aadannimo oo naf-badbaadin ah.
Sannadkii dhammaaday ee 2023 Soomaaliya waxaa ku dhuftay abaaro ba’an, roobab mahiigaan ah oo aan horay loo arag, fatahaado iyadoo barakacuna uu aad u kordhay. Inkastoo xaaladdu yara soo hagaagtay 4.3 milyan oo qof- ku dhawaad afar meelood meel dadka Soomaaliyeed- ayaa weli la ildaran cunno yari ba’an iyadoo laba ka mid ah shantii carruur ah ee ay da’doodu ka yar tahay 5 sano ay wajahayaan nafaqo darro.
Dad lagu qiyaasay 3.8 milyan oo qof ayaa ku barakacsan gudaha waddanka halka cudurka daacuunka/ shuban-biyoodka uu ka dilaacay degmooyin dhowr ah.
Marka laga tago saameynta isbeddelka cimilada, dagaallo iyo ammaan-darro, saboolnimo sii baaheysa iyo cudurro ayaa sara u qaadi doona baahiyaha bini’aadannimo ee sannadkan,” ayuu yiri Mr. George Conway, ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadannimada ee Soomaaliya.
“Dhinacyada ka shaqeeya samafalka iyo horumarinta waxay xoojin doonaan yool ka gaarista howlaha socda waxayna ka shaqeyn doonaan natiijooyin wadajir ah oo
gacan ka geysan doona dhimista baahiyaha, khatarta iyo dayacanka kordhina doona adkeysiga si looga hortago musiibooyinka,” ayuu hadalkiisa ku daray Conway.
Sannadkan 2024, hay’adaha samafalka waxay hirgelin doonaan gurmad diiradda saaraya caawinta dadka intooda aad u taagta daran.
Gurmadku wuxuu u qaabeysanyahay hannaan xaqiijinaya qorsheyn iyo ka jawaabis dhab ah. Deeqda loo baahanyahay sannadkan waxay tusineysaa hoos u dhac boqolkiiba 37 ah marka loo eego 2.6 bilyan oo dollar oo loo baahnaa si loo daboolo baahiyaha 7.6 milyan oo qof sanadkii 2023.
“In ka badan boqolkiiba 80 dadka ku barakacsan gudaha waddanka waa haween iyo caruur waxayna wajahayaan khataro la xariira amaankooda,” ayuu yiri Maxamuud Macallin, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SODMA). “Dowladda Soomaaliya waxay ka walaacsan tahay xaaladda bini’aadantinimo ee ka sii dareyso sababna ay u tahay isbadalada cimilada.
Waxaa naga go’an inaan wax ka qabanno sababaha gundhigga u ah dhibaatooyinka bini’aadannimo ee ka jira Soomaaliya, horumarinta hab-nololeedka iyo inaan dhisno xal waara.”