MUQDISHO (KAAB TV) – Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya waa halka ugu badan ee lagu boobay hantida shacabka iyo tan dowladda ee ah danta guud.
Qeybaha kala duwan ee bulshada haba u badnadane kuwa laga tirada badan yahay iyo beelaha la heyb sooco wa kuwa ugu badan ee hantidooda la dhacay.
Kaadiriinta siyasadda ee dowladda hadda jirta awoodda kuleh iyo maalqabeennadda xulufada la ah hab xukunka hadda jooga wa kuwa ugu badan ee boobaya hantida shacabka. Iyaga oo aan cabsi badan ka qabin in sharcigga lala tiigsado maadaama ay aaminsan yihiin in ay iyagu leeyihiin nidaamka maamul ee hadda dalka kajira gaar ahaana Muqdisho.
Intaas aan soo sheegnay oo dhan ma aha kuwa an iska mala awaaleyno ama aan ku dacayadeyneyna dad gaar ah ee waa xaqiiqda hadda kajirta Xamar.
Qoyska Sahal Daahir Cigaal oo kasoo jeeda beelaha Madhibaan ayaa kamid ah dadka loo awood sheegtay ee la boobayo hantidooda. Kaab TV ayaa booqday qoyska Sahal xilli uu ku xirnaa xabsiga dhexe ee Muqdisho (walow hadda lasoo daayey).
Intii uu xabsiga ku jiray, waxay xaanshiya lagu xalaashanaya gurigooda kasoo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Qoyskan iyo kumanan kale oo reerood waxey dhibbanayaal u yihiin mas’uuliyiin huwan shaarka dowladda.
Marka laga soo tago hantida shacabka ee la boobayo waxa kale oo dhinac socota in ganacsato iyo siyaasiyiin awood badan ay qaadanayaan dhulkii dowladda ee danta guud iyada oo aan loo maareyn nidaam sharci ah.
Shacabka ku nool xaafadda dab damiska ee Muqdisho oo ah dhul dowladeed ayaa si sharci dara ah lagu barakicinaya, iyada sida xoguhu tilmaamayaan, ay dhulka dowladdu ay qaadanayan shaqsiyaad gaar ah waxa laga jartay korontada iyo biyaha oo muhiim ah nolosha ah waxana loola dhaqmay sifa ka baxsan tan bani’aadannimadda.
Si kastaba ha ahaatee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya oo awooddeeda ugu badan Muqdisho tahay way ku guul dareysteen joojinta ama ka hortagista boobka hantida shacabka iyo tan danta guud.
Dhaliilo aan kala joogsi laheyn ayaa loo jeedinayaa Maamulka Gobolka Banaadir iyada oo mamulkuna uu dhagaha ka fureystay dhawaqa qeylo dhaanta ee kasoo yeeraya shacabka.