SO | EN

SO | EN

Ku dhawaad 20 ruux oo ku geeriyootay deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe

|

Shabeellaha Dhexe (KAAB TV) –  deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe  saacadahii lasoo dhaafay  dad badan  ay ugu dhinteen Cudurka Shuban Biyoodka.

Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay deegaanka Xawaadley iyo deegaanada hoostaga ayaa lasoo warinaya iney u geeriyoodeen ilaa 18 ruux oo u badan caruur, waxaana la ildaran ku dhawaad 50 ruux oo kale.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Cudurka uu kusii faafayo xaafadaha deegaanka Xawaadley, islamarkaana uusan deegaanku laheyn xarumo Caafimaad oo lagu daaweeyo dadka uu haleelo Shubanka

Cudurka Shuban biyoodka ayaa bishii lasoo dhaafay sidaan oo kale uga dilaacay magaalooyinka Baledweyne iyo Buula burte, kaasoo galaaftay nolosha ku dhawaad 30 ruux oo isugu jiray caruur iyo dad waa weyn, kadib markii laga soo laabtay barakacii fatahaadii ku dhufatay magaalooyinkaas.

Deegaanada uu maro wabiga Shabeelle ee gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa xiliyada fatahaadaha kadib inta badan ka dilaaca Cuduro ay ka mid yihiin Shuban biyoodka iyo Maleeriyada, kuwaas oo ka dhashay biyaha fatahaada.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News