SO | EN

SO | EN

Taariikhda nabadoonkii u gurman jiray maatada Muuse Haaruun ee lagu dilay Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Koox hubeysan ayaa shalay oo ahayd Isniin 5 Febraayo 2024 magaalada Muqdisho ku dilay nabadoon Muuse Haaruun Aadan oo ahaa nin si weyn loogu yaqaanay dhaqanka nabadeynta iyo caawinta maatada.

Wuxuu ahaa 61 jir dhalay 12 carruur ah.

Dilkiisa wuxuu ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaasoo isaga iyo Nuur Xuseen oo ahaa kaaliyihiisa lagu weeraray, ka dibna lagu toogtay. Labada marxuum maanta (Talaado 6 Febraayo) ayaa lagu aasay Muqdisho. Waxay ku jireen hawl samafal markii la dilayay.

Taariikh nololeedka iyo waayihii nabadoon Muuse Haaruun Aadan

Nabadoon Muuse Haaruun Aadan, wuxuu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sannadku markuu ahaa 1963. Hooyadiis waxaa la dhihi jiray Muumino Daa’uud Qaasim.

Yaraantiisii wuxuu Muuse Haaruun ahaa nin firfircoon oo aad u jecel u adeegista bulshadiisa, necebna dulmiga iyo caddaalad darrida. Wuxuu ku caan ahaa naaneynta ‘Maqooni’.

Sannadkii 2015 ayuu si buuxda u noqday nabadoon isagoo xilligaasi ku sugnaa magaalada Muqdisho. Nabadeynta khilaafaadka beelaha iyo xal ka gaarista colaado taagnaa ayuu kaalin libaax leh oo guul ku dhammaatay ka ciyaaray.

Wuxuu kaalin muuqata ku lahaa soo xulista xildhibaannada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Hirshabelle oo uu ku matalayey beeshiisa. Dad badan ay wada shaqeeyeen waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin u hiiliyay gabdhaha siyaasadda soo galay oo xilligaasi ay caqabad ku ahayd in tartanka siyaasadda ka qeybgalaan. Waana taas midda keentay in nabadoonka dhowr jeer uu hanjabaad kala kulmay kooxda Al-Shabaab oo diidaneyn kaalintiisa muuqata ee dhanka dhaqanka iyo siyaasadda.

Weerarkii uu ka badbaaday

Koox hubeysan ayaa nabadoon Muuse ku weerartay magaalada Muqdisho 3 bishii November 2022, waxaana weerarkaasi oo ujeedkiisu ahaa in lagu dilo kasoo gaaray dhaawacyo culus, Alle se wuu ka badbaadiyay.

Balse dhaawaciisa oo cuslaa darteed waxaa loo qaaday dalka Turkiga oo lagu soo dabiibay.

Nabadoonka oo dhaawacii kasoo reystay, balse aan aad u soo kaban ayaa goostay inuu dalkiisa ku soo laabto, waxaana garoonka Muqdisho lagu soo dhoweeyay 2 March 2023.

Nabadoonka oo dhaawacii kasoo reystay, balse aan aad u soo kaban ayaa goostay inuu dalkiisa ku soo laabto, waxaana garoonka Muqdisho lagu soo dhoweeyay 2 March 2023.

Allah ha u naxariistee wax ka yar kadibna waxay isla koox hubeysan ku toogteen Muqdisho Isniintii shalay. Wuxuu ifka uga tagay 12 carruur ah oo uu dhalay iyo afar xaas.

Innaa Lilaah, waa innaa ileyhi raajicuun.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News