Muqdisho (KAAB ) Madaxwaynihii hore ee Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo sabti ah iska xaadiray fadhiga Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.
Golaha shacabka ayaa todobaadyada soo socda waxaa uu sii ambaqaadi doonaan ka doodista Dastuurka KMG ah oo farqaha loogu dhigan isla markaana abuuray jawi siyaasadeed.
Siyaasiinta sida aad ah u diiday in la furo Dastuurka KMG ah waxa ka mid Shariif Sheekh Axmed oo isaga dhawr jeer ku celceliya inuusan ku qanacsanayn sida uu hadda wax u wado Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shariif Shariif ayaa dhawaan isaga Madaxwayne Farmaajo waxay si wadajir ah u sheegeen in ay ku guul daraysteen in Xasan Sheekh Maxamuud ay ka dhaadhiciyaan ka laabashada Dastuurka furistiisa.
Waxa muuqanaysa waqtigan inuu dhawr jiho u dagaal siyaasadeed kaga furmayo madaxwaynaha dalka dalka haya Xasan Sheekh oo inta badan kaga imaanaya saxiibadiisa hore.
Shariif Sheekh Axmed ayaa hada la sheegayaa inuu isku diyaarinayo in dagaal siyaasadeed uu la galo Xasan Sheekh Maxamuud oo mar xulufa ahaayeen hase ahaatee ay kala fogaysan markaan danaha siyaasadeed.
Xaadiriska Xildhibaan Shariif ee Golaha shacabka ayaa loo arkaa waji kale oo uu ku doonayo inuu kaga doodo isla markaana fakaradihiisa uu ku soo bandhigo fadhiyada Golaha shacabka.
Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa marka uu tegay xarunta Baarlamaanka ka bilaabay dhaq-dhaqaaq xoogan isaga oo gooni gooni ula shiray xildhibaanada Baarlamaanka.
In Dastuurka wax laga bedelo dhinacyada diidan waxaa ka mid ah maamul goboleedka Puntland waxaana maalamaha soo socda dib loo bilaabi doonaa dooda furista Dastuurka KMG ah.