MUQDISHO (KAAB TV) – War ka soo baxay kooxda Al- Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu dabeyn ay geeriyoodeen dhaqaatiir Cuba u dhashay oo in muddo ah ay ku haysteen deegaanada ay xukumaan.
Waxaa lagu sheegay warka ka soo baxay kooxda Al- Shabaab in dhaqaatiirtaas ay ku geeriyoodeen duqeymo xagga cirka oo ka dhacay degmada Jilib oo ay [Iyagu] ay maamulaan.
Muddadii Al-Shabaab ay gacanta ku haysay dhaqaatiirta, waxaa fashilmay isku dayo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo daayo.
War soo baxay 2020 ayaa sheegayay in Kooxda Al-Shabaab ay sii daaysay labo dhakhtar oo u dhashay Cuba oo laga afduubtay Kenya.
Laakiin markii dambe Cuba ayaa beenisay warkaas .
Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta warka kasoo baxay Al-Shabaab.
Dhaqaatiirtan ayaa sanadkii 2019 waxay Al-Shabaab ka soo afduubteen gobolka Waqooyi Bari Kenya, xili ay halkaas ka wadeen howlo gargaar oo dhinaca Caafimaadka la xiriira.