SO | EN

SO | EN

Goormee la qaadayaa wajiga 2aad ee nin lagu eedeyay inuu xaaskiisa gubay ?.

|

Muqdisho (KAAB) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa todobaadka dambe qaadi doonta kiis aad xasaasi u ah oo la xiriira nin xaaskiisa la sheegay inuu dhawaan ku gubay magaalada Muqdisho.

Todobaadka dambe maalinta Isniin ah ayaa markale lagu wadaa in la sii ambaqaado Kiiskan oo aad isha loogu wada haya , iyadoo markaas keliya uu harsano hal fadhi.

Fadhiga kowaad ayaa dhinacyadu waxay soo gudbiyeen caadaymaha kiiska la xiriira waxaana la dhagaystay marqaatiyaasha hor yimid Maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Salaax Dabaan ayaa sheegay in Kiiskan lagu soo koobi doono seddax fadhi keliya maadama uu yahay mid aad  loo sugayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News