MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo waqtiga xilheyntiisu uu sii dhammaanayo ayaa hadda bilaabay inuu mucaaradka iyo siyaasiyiinta muxaafidka isugu geeyo magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa Jowhar ka dhacay kulamo siyaasadeed oo uu guddoominayo Cali Guudlaawe.
Siyaasiyiintii ku dhawaaqday maamulka Hiiraan State ayaa iyaguna Jowhar lagu casumay halkaasoo wada hadallo ay kula leeyihiin maamulka Hirshabeelle.