GAROWE (KAAB TV) – Waxaa xalay la shaaciyay liiska golaha wasiirada cusub ee Dowladda Puntland, kaasi oo ka kooban 21 wasaaradood, sida uu shaaciyay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Deberaani.
Liiska cusub oo ay kujiraan xubnihii xukuumaddii hore iyo qaar cusub oo ka yimid mucaaradka ayaa waxaa ku jira saddex haween ah.
Saddexda dumar ah ee wasiirada ka noqonaya Puntland ayaa kala ah: Maryan Axmed Cali oo loo magacaabay Wasaaradda Haweenka, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xersi oo loo magacaabay Wasaaradda Gargaarka iyo Hodan Siciid Xasan oo noqoneysa Wasiirks Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Magacaabista saddexda haweenka ah ayaa imaaneysa iyadoo kaalinta haweenka Puntland ee ka qeybgalka siyaasadda ay hoos u dhacday doorashoo dhowaan ka dhacday Puntland.
Golaha Barlamaanka cusub ee Puntland oo lasoo xulay sannadkan ayaa waxaa ku jirta hal haween ah oo kasoo gashay gobolka Mudug. Barlamaanka Puntland ayaa ka kooban 66 xildhibaan.
Ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda
Haweenka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ayaa Kaab TV u sheegay dhowaan in odayaasha beelaha ee soo xulay barlamaanka ay diideen inay liiska musharixiinta ku daraan gabdhaha doonaya inay siyaasadda galaan.
Farxiyo Yuusuf oo hore wasiir uga soo noqotay Puntland ayaa Kaab TV u sheegtay in doorashada qof-iyo-cod ay noqon kari lahayd mid fursad siisa haweenka, balse ma dhicin oo doorashada qof-iyo-cod waxaa laga guuray ka dib markii rabshado ay ka dhasheen hannaanka doorashada Puntland ee 2023/2024.
Doorashada madaxtinnimada Puntland ee dhacday 8da Jannaayo 2024 ma jirin musharax haween oo u tartamay kursiga ugu sarreeya Puntland, waxayna haweenku sheegeen inaysan isku dayin waayo rajada ah inay cod ka helaan baarlamaanka ayaan jirin.
Rajada kale ee ay haweenka Puntland qabeen ayaa ahayd in golaha wasiirada laga siiyo tiro ku dhow ama u dhiganta tan ragga. Hase yeeshee 21 wasaaradood ayay hadda ka heleen saddex wasaaradood oo kaliya taasoo u dhiganta kaliya 14.2% tirada guud ee wasaaradaha Puntland inay hoggaaminayaan haweenku.
Siciido Xuseen Gees oo u qareenta doondada haweenka ayaase qabta in haweenku aysan niyadjebin oo ay dadaalkooda sii wadaan.