NewYork (KAAB) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay tirada ciidanka Israa’iil ay ku dileen marinka GAZA , halkaas oo ay wali ka sii socdaan duqeymaha dadka badan ay ku dhimanayaan ee ay fuliyaan diyaaradaha Israa’iil.
Xoghayaha waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka ,Lloyd Austin ayaa sheegay in ugu yaraan 25,000 oo isugu jiro carruur iyo haween lagu dilay Gaza.
Dilalkan ayuu sheegay inay dhaceen laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore xilligaasi oo ay Israa’iil guda gashay duqeymo militari.
Austin ayaa arrinkan ka sheegay golaha congress-ka ee Maraykanka oo lagu wareysanayay.
Hasa ahaatee ma uunan caddeyn hubka uu Maraykanku ku taageeray Israa’iil tan iyo intii uu billowday duullaanka Qaza ee dalka Falastiin.
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baaritaan heer caalami ah oo madax-banaan lagu sameeyo xasuuqan ugu danbeeyey ee dhacay khamiistii shalay.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sidoo kale sheegtay in afar carruur ah oo kale ay gaajo iyo fuuq-bax ugu dhinteen waqooyiga Qasa.
Dhinaca kale, weerar toogasho ah oo lagu qaaday Daanta Galbeed ee Ceel ayaa waxa ku dhintay laba Israa’iiliiyiin ah, taas oo dhalisay cabsi laga qabo rabshado kale oo ka dhan ah bulshooyinka Falastiiniyiinta.