Sanca (KAAB )- Maraakiibta xamuulka qaada ee Mareykanka ayaa weerar waxaa ku qaaday , kooxaha Xuutiyiinta kuwaas oo qalgal galiyay amniga badda cas sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.
Xubno ka mid ah Mareykanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray madmaxiin saarnaa weerarka xutiyiintu ay ku qaadeen Markabka.
Weerarkan ayaa ahaa gantaallada nooca Ballistic-ga ee Xuutiyiinta ee ay la beegsadeen markabka xamuulka qaada ee Maraykanku, M/V True Confidence , kaaso la sheegay inuu ku dhowyahay inuu quuso.
Waxaa la sheegayaa inuu Markabka uu qabsaday , dab weyna taas oo dhanka kale muujinaysa khatarta uu ku sugan yahay sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.
Ilo-wareedyo ka tirsan Ilaaladda Xeebaha Yemen ayaa sidoo kale Wakaaladda Wararka ee Xinhua u sheegay in Markabka oo lagu magacaabo “True Confidence” lagu weeraray dhowr Gantaal.
Dhimashada shaqaalaha markabkan Mareykanka laga leeyahay saarnaa ayaa ka dhigaysa, shaqaalihii u horreyay ee maraakiibta xamuulka oo ku dhinta weerarrada Xuutiyiinta.
Kooxaha Xuutiyiinta ayaa dhibaato ba’an ku haya marinka Badda Cas taas oo keentay in halis uu galo isu gooshida dalal badan oo caalamka ah oo ay Soomaaliya ku jirto.
Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay qaadi doonto talaabo kasta oo meesha loogu saarayo caqabadaha Xuutiyiinta Yeman ay ka gaysanayaan Marin biyoodka Badda cas & gacanka cadmeed.