Jowhar (KAAB TV)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaas uu ka dhacay shil diyaaradeed.
Sida wararka ay sheegayaan diyaarad xamuul ah oo u rarnayd ciidanka ATMIS ayaa waxay ka baxday dhabaha diyaaradaha ee garoonka Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar.
Qof goobjooge ah aya sheegay in diyaaradda markii ay soo degtay ay ka baxday dhabbaha ‘run wayga’ ka dibna ay gashay dhul ka baxsan goobtii loogu talagalay.
Maamulka magaalada Jowhar wax faahdfaahin ah ma uusan ka bixin , shilka diyaaradeed ee maanta ka dhacay magaalada.
Diyaaradda ayaa burburtay, hase yeeshee ma jirto wax khasaare nafeed ah oo ay geysatay.
Ciidanka Burundi ee ka tirsan hawlgalka ATMIS ee ku sugan garoonka Jowhar ayaa billaabay inay sahaydii ay sidday diyaaradda kala deganaan sida ay muujinayaan sawirro uu heley Kaab TV.