Garoowe (KAAB ) – Deegaanada maamul goboleedka Puntland wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in maanta oo Isniin ah aan laga soomin.
Sababta ugu wayn ayaa lagu sheegay inay tahay iyadoo aan bisha bilashadeeda laga arkin deegaanada maamul goboleedka Puntland.
Inta badan dalka meelo ka mid ah ayaa laga sooman yahay maanta oo Isniin ah waxaana Dowladdu ay sheegtay in maanta Ramadaan uu kow yahay.
Bilashada bisha Ramadaan ayaa sida la sheegayo laga arkay meelo kamid ah dunida Muslimka .
Dowladda Sacuudiga ayaa hoggaaminaysa dowladaha Muslimka ee ku dhawaaqay in ay maanta tahay kowda bisha barakaysan ee Ramadaan islamarkaana laga sooman yahay.
Waxaase jirta in maanta laga sooman yahay qayba kamid ah Puntland kadib markii culimada masaajidu sheegeen in ay soon tahay.