Muqdisho (KAAB )- Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amaro dhawr ah oo ku saabsan Hoteelada , maqaayadaha iyo isu socodka habeenkii xili dambe.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono Hoteelada hadii ay ku iibiyaan raashiin bisil inta lagu jiro Ramadaan.
Waqtiga maalinkii ayuu sheegay in aan la aqbali doonin in raashiin bisil lagu iibiyo waxana uu sheegay in cidii lagu ogaado ay kala laaban doonaan ruqsada ganacsiga ee la siiyay.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaaadir waxa uu ku amray hoteelada in aan xaflado lagu qaban karin waqtiyada dambe ee habeenka.
“Hoteel furnaan kara ma jiro wixii ka dambeeya 12:30 habeenimo, gabdhaheena waxa fasahaadiyay waa aroosyada waaga loogu diirayo” ayuu yiri guddodomiye Yuusuf Madaalle
Intaas waxa uu raacayay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho .
“Hadii maqrib ilaa 12-ka habeenimo kuugu filneyn aroos ma ahan ee iska daa wax kale ayaa ku hoos jira.
Amarada qaar ayaa sii shaqeyn doona ramadaanka kaddib iyado goobaha cuntada dib loo furi doona Ramadaan ka dib sida qorshuhu yahay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa in mudda ahba ku howlanaa arrimo ay ka mid yihiin aroosyada iyo Hoteelada caasimadda.