SO | EN

AWDAL ma waxa ka socda qorshe lagu hergalinta MoU-kii Somaliland & Itoobiya ?.

|

Awdal (KAAB ) – Magaalooyinka gobolka Awdal waxaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Guddi farsamo oo ka socda Somaliland kuwaas oo halkaa la sheegay inay u tageen hergalinta heshiiska muranka badan dhaliyay ee Somaliland & Itoobiya.

Guddigaas halkaas gaaray ayaa la kulmay Odayaasha deegaanka oo ay ka wada hadleen sidii loo hergalin lahaa heshiiska labada dhinac ay gaareen ee Somaliland iyo Itoobiya.

Warar horudhac ah ayaa sidoo kale sheegaya guddiga qiimeyn ku sameenayeen goobaha ay u arki karaan in badda Soomaaliya laga siin karo Itoobiya ,iyaga oo sidoo kale faa’dada heshiiska kala hadlay odayaasha deegaanka.

Guddigan  ayaa booqday magaalooyinka Boorama iyo Dila ee Gobolka Awdal, halkaas oo ay kulamo kula qaateen odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ku dhaqan magaalooyinkaasi.

DHANKAKALE : Sida ay qortay warbaahinta qaar, dowladda Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay ka fikireyso ka laabashada heshiiskii is fagarad ee ay ku kireysan leheed dhul badeed 20 KM.

Heshiiskaas oo ay ka carootay Soomaaliya ayaa waxaa cambaareeyay wadamada gobolka qaarkood, waxaana ay Soomaaliya sheegtay in dagaal diblumaasiyadeed oo ay la gashay Itoobiya uu cadaadis saaray.

Heshiiska ayaa ku saleysnaa in Itoobiya ay dhul badeed hesho iyo in saldhig ciidan ay ka dhisan doonto dhulka Somaliland.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News