MUQDISHO (KAAB TV) – Sababta Ciidamada Xoogga dalka ay u soo baneeyeen furmaha hore dagaalka Gobolka Mudug ayey warar kale duwan kasoo baxaan,
Wararka qar ayaa wariyay inay ka dambeysay ka bixida Ciidamada Xoogga dalka degaanada Camaara, Bacaadweyn Shabeelow iyo Caad ay tahay gadood ciidanka ay sameeyen kadib markii Lacagahii mushaaraadka laga jartay Wararka ayaa sheegay inay ciidanka oo kamid ahaay Ciidamadii lagu tababaray Dalalka Uganda iyo Masar ay mushaarkood bixin jirtay Dowlad iskutaga Imaaraadka Carabta, aydoo calaa Askari u qadaan jiray 256$ hayeeshee Laga jaray 56$ oo bishaan ay u soo dhacaday 200$ oo kali.
Lama oga cida reebtay lacagta 56$ ah hayeeshee gadood ay ka sameeyen Ciidamada Xoogga dalka ayaa sababay inay dhamaan baneeyeen degaankaas an kor kusoo sheegnay.
Dowladda Xasan sheekh ayaa aad u jecel lacagta waxaan todobaadkii hore ay dhaxfadhisay ceeb ka ka dhaltay 9$ oo lagu soo rogay shacabka Ka dhoofay garoonka diyaaradaha aadan cade maantna furmaha ayaa looga soo baxay Lacag laga jartay ciidankii, Shalay Jaamacadahii ayaa qeyldhaan ka muujinyay Lacag xoog ah oo laga rogay, Lacago world Bankiga ay ugu talagleen dowlad goboleedyada shaqaalahood ayey cuntay Dowladda taaso aduunyada ka yaabisay.
Maanta furinta ugu dambeysa ee askari Soomaaliyeed uu difaac uga jiro waa degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Wisil ee gobolka Mudug, ciidan u badan kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dhawaan la geeyey halkaas iyo guutada Abuu-dujaana ayaa baneeyey deegaanadaas.
Shalay waxaa la sheegay in sarkaal muhiim ay ciidankaasi isaga dileen gudaha degmada Baxdo, habeeno ka hor sidaas oo kale taliye urur oo aad looga jeclaa gudaha ciidanka xoogga ayey askartiisii oo baxsad ka ah furimaha dagaalka ku toogteen duleedka Camaara.
Siyaasiyiinta reer Galmudug ayaa isku eedeynaya qorshaha bixitaanka ciidamada soo baneeyey furimihii dagaalka ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaano muhiim ah oo waqti badan iyo dhiigga rag qaali ah lagu bixiyey sidii loo xoreyn lahaa.
Halgankii ka socday Galmudug ayaa u muuqda mid u dhamaaday olole doorasho, koox taageersan Taliyaha NISA Mahad Salaad oo madaxweynaha Galmudug u hanqal taagaya ayaa Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeyneysa inuu ka dambeeyo bixitaanka ciidanka, iyagoo sheegaya in madaxweynuhu uu ka shaqeynayo in lasoo baneeyo deegaano hor leh.
Koox kale oo taageersan Qoor Qoor ayaa buun buuninaya war sheegaya in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu ku wajahan yahay deegaanada ay joogaan ciidankii ka soo baxay furimaha dagaalka, si khilaafaadka jira uu u xaliyo, ciidankana ugu celiyo deegaanada ay ka soo baxeen.
Halgankii wadanka looga xoreynayey argagixisida ayaa fashil ku dhow, Mudug waa soo faarujiyeen ciidamadii hor taagnaa cadowga, halka cabsi badan laga qabo in laga soo baxo deegaano hor leh oo Ceeldheer, Ruunirgood, Daarunicma iyo Al-kowthar ay ku jiraan.
Dhibaatada ugu badan waxay maanta dalka ka heysataa wasaaradda gaashaandhigga, khilaaf sababay musiibada soo wajahday howlgalkii xoreynta wadanka ayaa ka dhaxeeya wasiirka iyo taliyaha xoogga, waxayna u muuqdaan rag meel iska dhigay howshii ay masuulka uga ahaayeen umadda Soomaaliyeed.
Al-Shabaab waxay soo galeen oo si nabad ah kubqabsadeen deegaanada Caad, Shabeelow, Camaara iyo Bacaadweyne, dadkii ku noolaa dhulkaas ee ka qeyb qaatay soo nooleynta magaalooyinkooda, markii laga dul qaaday Khawaarijta ku dhowaad sanad ka hor ayaa isaga cararay guryahooda, iyagoo cabsi ka qaba ciqaabta iyo arxan-darrada Al-Shabaab.