Muqdisho (KAAB )- Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxda dalka ay yihiin kuwo kala taabacsan maamul goboleed gaar ah.
Xildhibaan Gobsan oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa sheegtay in madaxwaynaha Soomaaliya uu taageere u – yahay maamul goboleedka Puntland halka Ra’iisulwasaarahana uu yahay mid taabacsan maamulka Jubbaland.
Waxa ay sheegtay xildhibaan Gobsan in ay muuqanayso in madaxda ay doonayaan in ay u kala xagliyaan maamul goboleedayda ka jira dalka sida ay tiri.
Waxay tiri iyadoo sii hadlaysa.
‘’Haddii aniga wasiirkayga xil la siin waayo waxaan leeyahay Xukuumadda RW Xamse uu garwadeenka ka yahay hala – rido ‘’.
Mar ay soo hadal qaaday , Somaliland oo ay ka soo jeeda waxay ku faantay xildhibanadan in deegaanadaas ay ka jirto , Dimiqraadiyada ayna ku faanto markasta .
” Aniga deegaanadeyda somaliland hanaan dimiquraadiyadeed ayaa ka jirta waana ku faanaa,MW iyo Ra’isul wasaaruhu waxay kala wataan hebel iyo hebel way soo afjarmi doontaa” ayay tiri Xildhibaanad Gobsan.
Waxay sheegtay in Soomaaliya ay ka daashay is qab qabsiga la xiriira madaxda dalka gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Ra’iisulwasaaraha taas oo ay ku tilmaantay mid aan haboonayn