Muqdisho (KAAB)- Imaaradka carabta magaalada Muqdisho ayaa bilo ka hor waxaa loou dilay , saraakiil muhiim oo tababar ciidan siinayay askarta Dowladda Sooaaliya.
Inkastoo wali wax natiija ah laga gaarin baaritaan ay Dowladdu sheegtay in ay ku hayso kiiskaas hadana waxaa soo baxayay in dilkaas uu saamayn ku yeeshay Dowladda Soomaaliya.
Dowladda uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gacan saar dhaw la leh Imraadka carabta oo ka saacida saadka iyo mushaaraadka ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ka dib dilkaas saraakiisha Imaaradka loogu gaystay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidanka Imaaradka gacanta ku hayo uu ka jartay lacagihii.
Warkan oo si aad u soo xoogaysanayay – maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiritaankiisa meesha ka saartay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa beeniyey wararkaas , inkasta oo uu wasiirku ka gaabsaday in uu si gooni ah uga hadlo warka la xiriira in dawladda Imaaraadku jartay deeqdii ay bixin jirtay.
‘’Ciidamadu way helaan xuquudooda ‘’ ayuu sheegay Wasiir ku xigeenka.
Dowladda Federaalka ah ee Sooaaliya ayaa beenisay in dhaqaale xumo ku dhacday darteed ay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee Galmudug isaga soo baxeen saldhigyadoodii.
Si kastaba Dowladda uu hoggaamiye Xasan Sheekh ayaa la aaminsan yahay in ay wajahayso culasyo dhanka dhaqaalaha oo salka ku haya dilka saraakiil ciidan oo imaaraadka loogu dilay magaalada Muqdisho.