SO | EN

XOG & XAQIIQ : Yaa ka masuul ah in ciidamadu faarujiyaan furnaha dagaalka ?

|

Muqdisho (KAAB )- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya  ciidamadii ugu badnayd oo mar qura  ka soo baxa  farumaha dagaalka ee maamul goboleedka  Galmudug.

Deegaanada ay soo baneeyeen ciidanka dowladda iyo kooxaha deegaanka waxa lagu soo waramayaa in ay dib ula wareegeen kooxda Al- Shabaab oo markii horeba dagaal looga saaray.

Eedeymo iska soo horjeeda ayaa soo baxaya oo la xiriira cida qaadanayso masuuliyada ah in ciidanka  dowladda , kuwa Galmudug iyo kooxaha Macwiislayda ay ka baxaan aaga dagaalka.

Falanqeyayaasha amniga ayaa sheegaya in tan kowaad ay tahay in madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dayacay oo iska iloobay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Sababta ugu wayn ayay leeyihiin waa , isaga oo ka bixi waayay safaro dibadda ah maadama wasiir arrimaha dibadda dalka wali uusan lahayn isagana uu u shaqaynayay sidii wasiir arrimaha dibadda.

Hogaanka Madaxwaynaha maamulka Galmudug oo isagana aad u liita ayaa la leeyahay waa qayb ka mida ah in  ciidanka ay baneeyaan goobo muhiim ah oo Al- Shabaab  dib ay ula wareegeen.

Xog la’aanta Hay’adda NISA ee Mahad Salaad waa arrimo kale oo aad loo hadal hayo inay keentay dayaca haysta ciidanka iyo iyo xiilaad dagaal xumida Taliska  ciidanka xoogga dalka ee uu hormuudka u yahay  Ibraahim Sheekh.

Dhamaan  arrimaha oo isbiirsaday ayaa horseed u noqday in  deegaano badan oo Al- Shabaab sanado badan ay maamulayeen oo markii hore laga saaray in dib  ay ugu  taliyaan .

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News