Muqdisho (KAAB)- Weerarkii ka dhacay Hotelka SYL waxa uu keenay tuhun badan oo xaga amniga ah taas oo ay fara – galiyeen ugu danbeyn madaxda ugu sareysa ee dalka.
Weerarkii lagu qaaday Hotelka ayaa la aaminsan yahay inay fududeeyeen xubno saraakiil ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliay ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirar gooni gooni ah ayaa socday saacadihii la soo dhaafay kuwaas oo looga hadlayay weerarkaas iyo cida ay tahay in lagula xisaabtamo , inkastoo dowladud ay sheegtay in shaqsiyaad loo xiray.
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa labaduba tagay xarunta NISA halkaas oo ay ka socdaan baaritaanka ku saabsan qaabka uu u dhacay weerarka SYL.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wareegay galka baarista ee weerarkaasi, waxaana baaristaasi qeyb ka ah xubnaha ugu muhiimsan hay’ddaha amniga, sida Taliska Nabad-sugida, booliska iyo saraakiil ka tirsan Villa Somalia.
Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ka fakarayaan go’aanka ay ka qaadan doonaan kiiskan oo ah mid banaanka keenay wada shaqaynta laamaha amniga iyo xubno ka tirsan Al- Shabaab.
Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan madaxdu suurtagal ay tahay in ay qaataan go’aano adag oo ka dhan ah Hay’adaha amniga ee Dowladda Soomaaliya si gaar ah NISA iyo Booliska.
Weerarkan ayaa layaab noqday maadaama ay rag hubeysan iyo gawaari qaraxyo ku raran yihiin ay ka gudbeen kontoroolo aad loo ilaaliyo, ayna adag tahay in qof caadi ah ka gudbo.
Kaamirooyinka qarsoon ee yaalla xarunta taliska Nabad sugida ayaa laga dhax arkaya sida ragga hubeysan ee katirsanaa Al Shabaab iyo gaadiidkii ay wateen uga gudbeen koontaroolka laga galo madaxtooyada Soomaaliya.