Riyadh (KAAB )- Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga waxa ka socda shirka Isbaheysiga Ciidanka Wadamada Islaamka ee la dagaalanka argagaxisadda.
Shirkan waxaa ka qayb galaya , saraakiil xilal ka hayay dalka Islaamka kuwaas oo ka wakiil ah ah dowladahooda maadama la is dhaafsanayo xogo dhanka amniga iyo dagaalka Argagaxisada.
Wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo ahaa Taliyihii hore ee NISA ayaa gaaray magaalada Riyadh si shirkaas ay uga qayb galaan.
Lama oga lamana hayo xilka rasmiga ah ee Dowladda Soomaaliya ay u magacowday Generaalkan oo ku hayb ah madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Inta uu socdo Shirka ayaa diirada lagu saari doona hindasiyaasha la dagaalanka argagaxisadda.
Isbaheysigan oo la yagleelay 2015 ayaa waxaa uu ka kooban yahay 42 dal waxaana Soomaaliya ay ka mid tahay aasaasa yaasha.