Muqdisho (KAAB ) – Maalmo ka hor weerar ayaa kooxda Al- Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen Hotelka SYL oo aad ugu dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.
Weerarkan waxaa sheegtay masuuliyadiisa kooxda Al- Shabaab oo sheegay in xubno ka mid ah Dowladda ay ku dileen weerarkaas oo saacado badan ka socday Hotelka.
Is-miidaamiyaha ayaa magaciisa ku sheegay Xasan Maxamed Maxamuud, kaasi oo ka mid ahaa kooxda is-miidaamiyeyaash Al-Shabaab, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Ceyr ee Habar-gidir.
Dowladda Soomaaliya ayaa weli baaraysa sida ay Al-Shabaab ugu suurta-gashay inay galaan xeendaab aad loo sugo amnigiisa.
Warbaahinta Al Shabaab ayaana wareysi ka qaaday weerarka kahor ninkii ka dambeeyay qaraxa ismiidaaminta ah, waxa uuna muujinayay ninkaasi oo dhallinyaro ahaa in uu ku faraxsan yahay in naftiisa haligo.
Weerarka AL Shabaab ku qaadeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka weerarka ku dhaawacmay ku jira xildhibaano, iyo masiuuliyiin kale oo dowladda katirsan.