SO | EN

MUQDISHO : Dilal dhawr ah oo ka dhacay saacadihii la soo dhaafay.

|

Muqdisho (KAAB )- Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay saacadihii la soo dhaafay dilal kala duwan oo loo gaystay dad shacab ah kuwaas oo ka kala dhacay degmooyinka Muqdisho.

Dilalkan ayaa la sheegay in intooda badan ay gaysteen kooxda Al- Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa muuqanaysa in kooxda Al- Shabaab ay kordhisay dagaalada iyo dilalka ay ka gaysanayso magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda sheegaya in ay qaadi doonaan talaabo kasta oo ay kaga hortagayaan dilalkan loo gaysanayo dadka shacabka ah eek a dhacaya caasimadda.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgalo ay ku sugayaan amniga sidaas oo ay tahay waxa dhacaya falal lidki ku ah amniga caasimadda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News