Muqdisho (KAAB ) Magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah waxaa la soo gaarsiiyay dhaawacyada qaar kamid aha dadkii ku soo dhaawacmay dagaalka ka socda magaaalada Laascanood ee gobolka Sool.
Garoonka Diyaaraha magaalada Muqdisho ayaa laga soo dejiyay , qaar ka mid ah dadkaas dhaawac ah oo ay ku jiraan caruur iyo dad da ‘a ah .
In ka badan soddon qof oo isugu jira , kuwa xaaladooda ay culus tahay iyo kuwa kale ayaa la dhigay qaar ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.
Xubno ka socda , laba Gole ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa dhaawacyadan kaga hortagay Garoonka Aadan Cadde halkaas oo Iaga soo dejiyay dhaawacyada.
Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa ka soconaya maalintii afaraad iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha ka soo horjeeda maamulka Muuse Biix Cabdi.
Maalmo ka hor Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in loo gurmado dadka ku waxyeeloobay dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanood ee gobolka Sool.