SO | EN

BAARITAAN: Sweden oo ogaatay in xaaska saddexaad ee Al-Cadaala si been ah lacagta ceyrta ku qaadan jirtay

|

W/Q: Johannes Nilsson

Gothenburg – Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa ka mid ah ragga ugu awoodda badan Soomaaliya, wuxuu horay u soo noqday Agaasimihii guud ee Wasaaradda Warfaafinta, haddana ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Laakiin wargeyska afka dheer ee Nyheter Idag ee dalka Sweden ayaa hadda daaha ka qaaday in xaaska saddexaad ee Al-Cadaala ay ku nooshahay dalka Sweden, halkaasoo ay lacagta ceyrta ku qaadato sifo been abuur ah inkastoo ninkeeda uu lacag badan heysto.

19-kii Juun 2017, haweeneydan uu qabo Al-Cadaala oo ku nooleyd magaalada Borås ayaa loo diiday lacagta ceyrta. Guddigu dowladda Sweden u qaabilsan go’aan ka gaarista lacagta ceyrta wuxuu go’aanka diidmada ku sababeeyay in ninkeeda uu mas’uul ka yahay inuu masruufo naagta iyo ilmaha. Laakiin haweenayda waxay racfaan ka qaadtay go’aanka maxkamadda oo ahaa mid maamul.

SHEEGASHO BEEN AH

Waxay ku andacootay in ninkeeda Cabdiraxmaan Al-Cadaala uu yahay arday la nool qaraabadiisa oo ku sugan Soomaaliya, isla markaana uusan wax dhaqaale ah soo gelin, iyadoo maxkamadda maamulka ee Jönköping ay u xukuntay haweeneyda in la siiyo lacagta ceyrta 4-ta October ee isla sannadkaas 2017. Maxkamadda maamulku waxay aaminsan tahay in haweeneydu ay xaq u leedahay masruufka, sababtoo ah guddiga ma aysan ku wargelin in ay caddeyso in ninku uusan bixin karin biilka reerka.

Sida uu qoray wargeyska Nyheter Idag, In haweeneydu ay weli hesho ceyrta ma cadda, maadaama xogta ku saabsan taageerada ay tahay mid qarsoodi ah, laakiin Nyheter Idag ayaa sheegi karta in tan iyo markii naagtan iyo ninkeeda Al-Cadaala  loo diiwaangeliyay inay is guursadeen lagana diiwaangeliyay Hay’adda Canshuuraha ee dalka Sweden 25-kii Febraayo, 2015, haweeneydu waxay sheegtay in wax lacag ah aysan helin, ninkeedana uu yahay bilaa shaqo oo uusan waxba heysan.

Kamay joojin iyada iyo ninkeeda inay carruur dhalaan. Waxay ilmahooda ugu horreeyay oo gabar ahaa uu dhashay 16 December, 2015. Wiilkii  ku xigayna wuxuu dhashay 23 September, 2017, iyo ilmaheedii saddexaad oo wiil ahaa dhashay 19 February, 2022. Isla sanadkaas, naagtu waxay u guurtay guri apartment ah oo ku yaal magaalada Göteborg.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu qoray wargeyskan, inkastoo naagta ay sheeganeyso in ninkeedu uu yahay arday miskiin ah, haddana ma ahan arday sabool ka ah Soomaaliya.

XILALKII LOO MAGACAABAY

Waxaa lagu magacaabaa C/raxmaan Yuusuf Al-cadaala. Isla sannadkaasi ay haweeneydu racfaan ka qaadatay diidmada lacagta ceyrta ah, waxaana Al-Cadaala loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Taas oo ka dhigaysa agaasimaha ugu sarreeya ee TV-ga dawladda Soomaaliya, Raadiyaha dawladda Soomaaliya iyo wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya.

Naagtu waa naagtii saddexaad ee Al-Cadaala. Sida laga soo xigtay wargeyska Nyheter Idag, waxay leedahay taariikh saxaafadeed. Lama garanayo goorta ay kulmeen ee ay is guursadeen iyada iyo Al-Cadaala. 25 Sebtember 2013 ayey iska dhiibtay Sweden, waxayna haysataa dhalashada Sweden 20kii Sebtembar ee 2022.

Al-Cadaala ayaa dhowr jeer booqasho ku tagay Sweden oo kala ahayd Bishii Luulyo 2014 iyo Nivember 2022 laakiin ma uusan ku dalban visaha- magaca naagtiisa, sida ay ku warrantay warbaahinta Somali Swiss. Bishii November ee sanadkii hore ayuu booqasho ku tagay dalka Sweden isagoo la socday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo isaga heysta dhalashada Sweden.

MUSUQA IYO XATOOYADA XOOLAHA DADWEYNAHA

Al-Cadaala labadii xaas ee hore ayaa ku nool Soomaaliya, iyadoo mid ka mid ah ay agaasime ka tahay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Si kale haddii loo dhigo, Al-Cadaala iyo naagihiisa ayaa ka tirsan dadka fara ku tiriska ee dhaca ku qaata hantida ummadda Soomaaliyeed. Boobka iyo baadda uu dadka ka qaado ayaa sii xoogeystay bishii November 2020 markii loo magacaabay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya.

Maqaal lagu daabacay mareegta Horn Observer 11-kii January 2023 ayaa tilmaamaya in Al-Cadaala uu yahay masuulka ugu musuq-maasuqa badan wasaaradda warfaafinta.

“Wargayska Dalka, tusaale ahaan, waxa uu leeyahay miisaaniyad boqolkiiba 30 ah oo keliya, boqolkiiba 70 ka soo hartay waxa ay gashaa jeebabka Cabdiraxmaan Al-Cadaala,” ayuu yidhi Faarax Dharaar, agaasimihii guud ee telefishinka dawladda Soomaaliya.

WEERARKII URURKA SJS IYO XARIGGA XOGHAYAHOODA 

Sidoo kale Al-Cadaala waxa uu khilaaf kala dhexeeyaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS oo xoghayihii guud ee ururkaasi Abdalle Ahmed Mumin ay xabsiga u taxaabeen bishii October ee ina dhaaftay isagoo lagu xiray xabsiga caanka ah ee Godka Jilacoow oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay xirtay laakiin weli shaqeeya.

Khilaafkan ka dhexeeya Abdalle Mumin ayaa waxaa ka dambeeya arrimo ay ka mid yihiin, dalab ka yimid Al-Cadaala oo ah in warbaahinta baraha bulshada Soomaalida ay bixiso lacago iyo lacag kale oo lagu sheegay is diiwaan gelin oo laga rabo warbaahinta. Sannadkii 2019-kii, hay’adaha Perspective Media iyo Media Ink waa la xiray ka dib markii lacag baad ah uu weydiistay Al-Cadaala, laakiin waxaa loo ogolaaday inay dib u furaan ka dib markii ay bixiyeen lacagihii laga rabay.

“Dhammaan khidmadaha waa inay noqdaan kuwo sharci ah oo ay soo marto wasaaradda maaliyadda, waanu diidnay dalabaadkaas, waana sababta ay Al-Cadaala iigu bartilmaameedsanayey tan iyo 2019,” Muumin ayaa sidaas ku sheegay maxkamadda xilli ay socotay dacwad ka dhan ah isaga bishii Janaayo.

Hase yeeshee xeer ilaaliye Farxaan Xuseen, ayaa dalbaday in Abdalle Muumin la faafreebo.

“Waxaan ka codsan lahaa maxkamada inay aamusiso Abdalle Muumin balse ay ku qasabto SJS inay joojiso ceebeynta ay ku heyso madaxda dowladda, dhammaan saxafiyiinta ceebeeya madaxda dowladda waa in la ciqaabaa,” ayuu yiri xeer ilaaliye Farxaan Xuseen.

Labo todobaad gudahood ayaa la filayaa in go’aan laga gaaro dacwadda ka dhanka ah Abdalle Ahmed Mumin.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta ka dalbaday inay soo gudbiyaan wararkooda ka hor inta aan la baahin, iyadoo lagu sababeeyay arrimo la xiriira ammaanka oo ay sabab u tahay dagaallada milateri ee ay kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Bishii December, afar wariye ayaa la xiray ka dib markii ay soo tebiyeen ciidamada ammaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan sababtuna ay ahayd inay waayeen lacagahii ay filayeen, sida ay qortay Wakaaladda Wararka AP.

Wargeyska Nyheter Idag ayaa la xiriiray Al-Cadaala iyo xaaskiisa saddexaad si ay uga soo jawaabaan eedeymahan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News