Baledweyne (KAAB TV)- 13-May-2024 ayaa la filayaa in magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ay ka dhacdo xafladda caleema saarka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska guud ee beesha Xawaadle.
Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo gaaray boqolaal dadweyne ah oo ay ka mid yihiin Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka soo jeeda Beesha Xawaadle, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Odayaasha Dhaqanka.
Wadooyinka waa weyn waxaa ku sugan ciidamo aad u hubeysan si ay ammaanka magaalada u xoojiyaan. Magaalada Beledweyne ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay weeraro halis ah oo Al-shabaab ay ka geysteen, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Magaalada Beledweyne oo qiyaastii 300-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaanahan ka socday abaabulo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay wadaan bulshada deegaanka. Mas’uuliyiinta deegaanka oo uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo horkacayay ciidamo beeleedyo ka bar bar dagaalamayay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay tobanaan tuulo oo kooxdaasi ay ku sugnaayeen.