Maxkamada ciidamada Puntland oo xabsiga ka sii deysay lix ka mid ah dagaalyahanada Ajnabiga ah ee Daacish.

|

Garowe (KAAB TV) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa sii deysay lix nin oo ajaaniib ah oo ka soo goostay kooxda Daacish ee ka dagaalanta deegaanada maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland G/sare C/fitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in rag u kala dhashay dalalka Itoobiya iyo Marooko ay isku soo dhiibeen Puntland kadib markii ay ka soo baxsadeen kooxda Daacish.
Raggan ayaa waxaa lagu wareejiyay Wasaaradda Cadaaladda Puntland, si loogu soo celiyo dalalkooda. Intaa waxaa dheer, maxkamaddu waxay sidoo kale sii deysay lix carruur ah oo ka tirsan dawladda Islaamka.
Bishii Maarso, maxkamadda ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay lix qof oo u dhashay Morocco oo la rumeysan yahay inay ahaayeen dagaalyahanno ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Lixda nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohamed Hassan, Ahmed Najwi, Khalid Latha, Mohamed Binu Mohamed Ahmed, Ridwan Abdulkadir Osmany, iyo Ahmed Hussein Ibrahim.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ma aysan sheegin in Marooko la sii daayay ay ka mid ahaayeen kuwii la xukumay bishii March ee lasoo dhaafay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News