Doolow(KAAB TV)- Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ay miino kula qaraxday waddada xiriirisa degmooyinka Baled Xaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo gallinkii dambe ee maanta. Sida ay sheegeen dadka deegaanka qaraxa ayaa gabi ahaan burburiyay gaarigii rakaabka ahaa ee ay la socdeen dadka shacabka ah. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay sameeyeen baaritaan kooban, lamana soo sheegin cid ay u soo qabteen qaraxa. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa inta badan looga bartay in ay ku dagaallamaan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo kooxdan inta badan ay miinooyin ku aasaan waddooyinka si ay u weeraraan ciidamada xoogga dalka.
Copyright © 2025 Kaab TV – All Rights Reserved.